Rusta och Matcha
Rusta och Matcha
Ma doonaysaa in aad hesho shaqo cusub, mise rabtaa in aad barato xirfad aad ku shaqaysato, si aad u gaartid hadafkaaga shaqo. Hadii jawaabtu haa tahay fadlan dooro Arbetslivsresurs. Waxaan diiradda saareynaa in aan ku siino taageero ku habboon shaqo-doonayaasha ka diiwaan gashan adeega Rusta och Matcha. Iyada oo loo marayo habkayaga gaarka ah, waxaan ku siineynaa taageerada aad u baahan tahay si aad u gaarto yoolalkaaga shaqo!
Fadlan qaad saddexdan tilaabo si aad iskaga diiwaangaliso xafiskeena
01
Wac xafiiska shaqada
La xariir xaafiska shaqada si aad u ogaato in aad xaq uleedahay adeega Rusta och Matcha
02
Haday jawaabtu haa tahay
Haday jawaabtu haa tahay soo dooro Arbetslivsresurs
03
Xafiiska shaqada ayaa go’aan ka gaaraya
Xafiiska shaqada ayaa go,aan ka gaaraya, kadib anaga ayaa kula soo xariirayna
Su'aalaha caadiga ah
Rusta och Matcha waa adeeg ay bixiso xaafiska shaqada(Arbetsförmedlingen). Adeegan waxaa bixiya shirkado kala duwan oo hoostaga xafiiska shaqada. Waxaa logu talo galay in laga caawiyo dadka shaq-doonka ah si loo dardar galiyo in ay si fudud shaqo kuhelaan. Arbetslivsresurs waxay ka caawinaysaa in ay ku abuurto fursado kala duwan sida in ay kugu xirto shaqo-bixiyaha aad rabto ama fursado waxbarasho si aad u gaarto hadafkaaga shaqo.
Nagaa rajeyneynaa inaad doorato inaga oo ah wadankaada Rusta och Matcha. Waa isku midno inaanu soo saarno fursadaha cusub iyo dhamaanaynta heerka shaqooyinka!
Rusta och Matcha waa barnaamij loogu talagalay dadka ka diiwaan gashan Xafiiska Shaqada (Arbetsförmedlingen) oo shaqo goobka ah. Xafiiska shaqada ayaa go’aaminaya inaad buuxisay shuruudaha si aad uga qaybgasho barnaamijka. Had iyo jeer waad nala soo xidhiidhi kartaa si aad u hesho macluumaad dheeraad ah oo ku saabsan waxa aanu bixino, laakiin go’aanka ka qaybgalka barnaamijka Rusta och Matcha waxaa ugu dambayntii sameeya xafiiska shaqada(Arbetsförmedlingen).
Marka aad soo gasho programka Rusta och Matcha, waxaad helaysaa lataliye shaqo kaas oo kaa caawin doona sahminta shaqooyinka aad ku wanaagsan tahay. Waxaan ka bilownaa wadashaqaynta in aan ku samayno qorshe shaqsiyeed. Si wadajir ah, adiga iyo la-taliyahaaga shaqada ayaa dooranaya waxqabadyada ku habboon baahiyahaaga si ay kaaga caawiyaan inaad gaarto yoolkaaga suuqa shaqada.
La taliyayaashayada shaqada ee Arbetslivsresurs waxay leeyihiin asal waxbarasho oo kala duwan, sida khabiiro HR, shaqaale bulsho, saynisyahano bulsho, la-taliyayaal shaqo, macalimiin, iwm. fursadaha shaqo, iyo isku xirka.
Adeega Rusta och Matcha waxaad ka heli doonta
- La-taliye shaqo oo shakhsi ah oo la socda horumarkaaga
- Sahmin xirfadahaaga iyo khibradaada
- Waxaan kugu xiraynaa shaqabixiyaha aad rabto
- Waxaan kula diyaarinyana CV soo jiidasho leh
- Dhiirigalin joogta ah si aad u gaarto hadafkaaga shaqo ama waxbarasho
- Waxaan kugu tababaraynaa farsamooyinka fulintawaraysiga shaqada (intervjuträning)
- Waxaan ka dhisaynaa aqoonta ku saabsan shaqooyinka iyo waxbarashada
- Waxaan ku baraynaa si suuqa shaqu u shaqeeyo si aad shaqo uga heshid
- Waxan kugu xiraynaa lataliyaheena waxbarasha iyo shaqada si aad u heshid talo bixin kugu haboon
Fadlan ka aqriso halkan macluumad ku saabsan Rusta och Matcha luuqado kala duwan
